Maamulka Gobolka Nugaal oo shir la yeeshay Hay’adaha Caalamiga ah ee UN-ta iyo kuwa Maxaliga ah

Maamulka Gobolka Nugaal ayaa Maanta shir la yeeshay hay’adaha UN-ka, kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya Gobolka Nugaal.

Shirkan waxaa hogaaminaya guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdiraxmaan Abshir Faarax oo ay weheliyaan gudoomiye ku xigeenka 2aad ee gobolka Cabdiraxmaan Ciise Maxamed iyo Xafiiska Mashaariicda Gobolka.

Shirkani oo ka qabsoomay xafiiska gudoonka gobolka waxaana lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka, Waxaana ka mid ahaa qodobada qulanka.

1. Amniga:  In la xoojiyo wada-shaqeynta iyo xiriirka ka dhexaysa Xafiiska Maamulka Gobolka iyo hay’adaha amniga iyo horumarinta bulshada si loo hubiyo deegaan nabdoon.

2. Iskaashiga Hay’adaha: Waxaa la adkeeyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya hay’adaha si loo xoojiyo adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada sugnaanta cuntada waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta dhaqaalaha.

3. Horumarinta Kaabayaasha: Guddoomiyaha wuxuu caddeeyay in la dardargelin doono horumarinta kaabayaasha sida waddooyinka, biyaha, iyo korontada si kor loogu qaado nolosha dadka.

4. Qorsheyaasha Mustaqbalka: Waxaa sidoo kale la qorsheeyay in la sameeyo shirar joogto ah oo lagu qiimeeyo horumarka iyo dhaqan-gelinta qorshayaasha la isku raacay.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *