Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya oo qaabilay safiirka Malaysia u qaabilsan Kenya iyo Soomaaliya

Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan gaar ah Muqdisho kula qaatay safiirka dowlada Malaysia u qaabilsan Kenya iyo Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Fiqi uu kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay safiirka Malaysia u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya Ruzaimi Bin Mohamad.

Labada masuul ayaa sida qoraalka lagu sheegay ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskashiga labada dal iyo sidoo kale danaha guud ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Malaysia sida arimaha ganacsiga iyo waxbarashada.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *