Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kala diray Maxkamadii sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo aan warbaahinta laga shaacin ayaa lagu kala diray Maxkamadii sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in dhawaan shaqada laga joojiyay xubnihii Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ka hor inta aan maanta la kala dirin.
GAROWE POST