Wasaarada Kalluumaysiga iyo Booliska Puntland oo shir ka yeeshay Amaanka Xeebaha

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland oo ay weheliyaan Taliska Booliska Dowladda Puntland ayaa isugu yimi shir looga hadlayay ammaanka xeebaha iyo ka jawaabida cabashooyinka kalluumaysatada Puntland.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland ayaa soo bandhigtay habab casri ah oo loo sugi karo ammaanka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa Badda Puntland.

Sidoo kale wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda DPL ayaa ballanqaaday in ay booliska ka taageeri doonto qalabaynta saldhigyada deegaanada xeebaha dhaca.

Ugu dambayn, masuuliyiinta ayaa isku raacay in wefti kormeer ah loo diro deegaanada xeebaha dhaca, kaas oo lagu ogaanayo waaqaca dhabta ah ee kajira deegaanada kalluumaysi ee Puntland, iyadoo lagu dhagaysanayo wixii cabasho ah ee Jira iyo sidii lagu xallin lahaa.

Mas’uuliyiinta kasoo qaybgalay kulan ayaa kala ahaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa, Taliyaha Booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland, Cawil Mataan.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *