Diyaarad Mareykanka laga lee yahay oo lagu weeraray dalka Haiti

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimada dalka Haiti ayaa si kumeel gaar ah u xirmay, kadib marki ay koox shufto ah oo aad u hubeysan ay rasaas ku fureen diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka, xilli ay caga dhiganeysay garoonka.

Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka iyo maamulka shirkadda leh diyaarada Spirit Airlines ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday diyaarada, kaas oo ka dhacay gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Port-Au-Prince.

Diyaarada ayaa kasoo amba baxday magaalada Fort Lauderdale ee gobolka Florida kuna sii jeedday Port-Au-Prince. Waxaa la xaqiijiyay in dhowr xabbadood ay ka dhex duseen diyaaradda isla markaana ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen qaar ka mid ah rakaabka.

Diyaarada ayaa marki danbe ku degtay Jasiirada Dominican Republic. Kooxda burcadda ah ee weerartay ayay Safaaradda Mareykanku ku sheegtay mid lagu rabay in lagu xiro isu socodka magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *