Heshiis dhexmaray Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Kooxda Kubadda Cagta ee Homboboro

Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa maanta heshiis rasmi ah la saxiixatay Kooxda Kubadda Cagta ee Homboboro, taasoo ku ciyaari doonta magaca Wasaaradda.

Bayaan ka soo baxay wasaarada Maaliyada ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi lagu saxiixay munaasabad ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadd.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada Puntland Axmed Jaamac Jowle ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin kobcinta caafimaadka, isku xirnaanta bulshada, iyo dhiirigelinta dhallinyarada si ay u yeeshaan hab nololeed firfircoon.

“Aad baan ugu faraxsanahay in Wasaaradda Maaliyadda ay hogaamiso talaabo sidaan oo kale ah, taas oo sare u qaadaysa hiigsiga dhallinyarada iyo dhiirrigelinta xirfadaha kala duwan ee ciyaaraha waxaanuna cadynaynaa in aanu kooxdan la wareeganay
” ayuu yiri Jowle.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *