Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Ajendaha fadhigan ayaa ahaa sii wadista Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo ay Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada ku sameeyeen isbeddel iyo kaabis.

Muddo laba maalmood ah ayaa dood qoto dheer lagu falanqeeyay qodobada muhiimka ah ee xeerka, iyadoo diiradda la saaray qodobada la tiray ama laga saaray, kuwa cusub ee lagu soo daray, iyo isbeddellada lagu sameeyey xeerka.

Xeerkan oo muhiim u ah shaqada qareennada, waxa uu xoojin doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, isaga oo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa qodob qodob ugu codeeyay 30 qodob oo ka mid ah Xeerka.

Waxaa xeerka laga tiray 14 qodob ama laga saaray xeerka, 4 qodob oo cusubna lagu soo daray, halka 28 qodob lagu sameeyey wax-ka-beddel iyo kaabis. Wasaaradda Cadaaladda, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale ayaa gacan ka gaystay diyaarinta iyo dib u eegista xeerkan, si loo hubiyo tayadiisa iyo waafaqsanaantiisa shuruucda gobolka iyo kuwa dalalka dariska ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada iyo dhammaan hay’adaha ku lugta leh hawsha dib u eegista xeerkan. Waxa uu ku boorriyay xildhibaanada in ay sii wadaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla Golaha.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *