Ciidamada Itoobiya oo laga saaray hawlgalka cusub ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee 2025

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in ciidamada Itoobiya laga saaray hawlgalka Cusub ee Ciidanka Midowga Afrika oo Soomaaliya ka hawlgali doona bilowga sanadka Cusub ee 2025-ka.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa xaqiijiyey in Itoobiya laga reebay dowladaha ka qayb qaadanaya hawlgalka Midowga Afrika ee 2025.

Wasiirka ayaa sheegay Itoobiya ku xad gudubtay qaranimada Soomaaliya sidaas darteedna dowlada Soomaaliya uga reebtay hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya waxaana Wasiir Cabdiqaadir ayaa dhanka kale sheegay in dhowaan la dhaacin doono liiska dalal ka qaybta noqon doona hawlgalka Cusub.

Hawlgalkan cusub ee Midowga Afrika ayaa ah mid kooban oo dhanka farsamada ka caawin doona Ciidamada Soomaaliya hawlgalada la dagaalanka Argagixisada waxaana dowladda Soomaaliya  bisha December soo afmeeri doonta hawlgalkii hore ee ATMIS.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *