Wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa saaka fariisisay xubnaha golaha deegaanka degmada Garoowe ee lagu doortay doorashada qof iyo cod ee ka dhacday sadexdii degmo ee gobolka Nugaal.
Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka oo diidanaa heshiis xisbiyada qaar ku gaareen in xisbiga Kaah qaato duqa degmada iyo ku xigeenkiisa ayaa iyagana ugu dambayn lagu qanciyay in ay soo xaadiraan munaasabada.
Dhamaan xubnaha golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa ka qeyb galay munaasabadii fariisinta iyo dhaarinta golaha deegaanka oo ka qabsoontay xarunta PDRC ee magaalada Garoowe.
Xubnaha golaha deegaanka caasimada Garoowe saaka la dhaariyay ayaa mar kale doortay duqa Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamud Geedi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xamari oo labaduba ka tirsan xisbiga Kaah.
GAROWE POST