Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid gudi loo magacaabay ka shaqaynta xeerarka doorashooyinka qof iyo cod

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aad uga horyimid gudi ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, oo uu magacaabay gudoomiye Aadan Madoobe, kuwaas oo ka shaqeyn doona xeerarka doorashooyinka ururada iyo asxaabta siyaasadda, iyo sidoo kale gudiga eoorashooyinka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in shaqada keliya ee labada Aqal ay wada qaban karaan ay tahay doorashada madaxweynaha, dib u eegista dastuurka iyo xeerka qoondada miisaaniyada, sida uu qabo dastuurka dalka.

Sidaas darteed, ayuu yiri, in ay ka wada shaqeeyaan xeerarka doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku, waa mid aan sharci ahayn waxaana iska leh gudiga arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo keliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka mid jeebka ugu jira madaxtooyada Soomaaliya.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *