Maamulka degmada Garoowe oo dhagax dhigay laba wado oo Laami ah

Maamulka degmada Garoowe oo ay weheliyaan maamulka gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale ayaa maanta laba wado oo laami ah ka dhagax dhigay magaalada Garoowe.

Gudoomiyaha degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi oo ay wehliyaan gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir iyo xoghayaha dowlada hoose Maxamuud Cali Guray iyo masuuliyiin kale ayaa dhagax dhigay laba wado ee laamiga ah.

“Waxaan maanta dhaggax dhignay dhismaha 2  wado oo kala ah mid isku xirta wadada shacabka iyo laamiga 30-ka iyo  wadada 1-da August, Wadooyinkan ayaa muhim u ah Caasimadda  si aynu bulshadeenna ugu fududeyno isu socodka dadka iyo gaadiidka”

“Dhismaha Wadooyinka cusub iyo dayactirka Kuwii hore, waa qeyb ka mid ah qorshaha aynu ku horumarinayno caasimadda, waxaana ku faraxsanahay in howshaasi si wanaagsan inoogu socoto .

Guuleysta” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *