Ilaa 40 qof oo lagu dilay duqeymo Israa’iil ku garaacday dalka Lubnaan

Wasaarada Caafimaadka dalka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 qof lagu dilay duqeymo ay ciidamada Israa’il ku garaaceen magaalada Baclabak ee ku taalla Dooxada Beqaa ee dalkaasi.

Guddoomiyaha gobolka bari ee Baclabak-Xermel, Bashir Khodri ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay, in ugu yaraan 40 madfac oo soo tuureen ciidamada Israa’il ay ku naf-waayeen 38 qof ayna ku dhaawacmeen 54 kale.

Dhanka kale hogaamiyaha cusub ee Xisbullah Nacim Qaasim ayaa ka digay in dagaalyahanadiisu ay la dagaalami doonaan Israa’il ilaa ay ka aqbaleyso nabad. Hadalkaasi ayuu ku sheegay khudbad lasoo duubay oo laga baahiyay telefishanada.

Tan iyo marki uu bilowday dagaalka mudada 13-ka bil socda ee u dhaxeeya Israa’il iyo Xisbullah, Lubnaan waxaa lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux, dadkaas intooda badan waxaa la dilay wixi ka danbeeyay bishi September.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *