Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ka tirsanaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo muda shan bilood ah ku xirnaa Garoowe ayaa saaka xabsiga laga sii daayay.
Garsoorayaasha iyo Xeer ilaaliyaasha oo ka koobnaa shan xubnood ayaa loo haystay eedaymo la xiriira in ay xabsiga ka sii daayeen rag ku eedaysnaa Burcad badeed iyo kuwa ku eedaysnaa falal argagixiso.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu amray in xabsiga laga sii daayo masuuliyiintaasi ka tirsanaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland sidaasina lagu sii daayay.
Shanta xubnood ayay magacyadoodu kala yihiin
1.Gaashaanle sare Aadan Cali Maxamuud
2. Gashaanle dhexe Cabdiraxmaan Jaamac Warsame
3. Gaashaanle dhexe kaydiid Cabdicasiis Axme
4. Gaashaanle Cabdiweli Maxamuud maxamed
5. Gaashaanle Sahal Cabdi Cartan
GAROWE POST