Iran oo dil toogasho ah ku fulisay xubin ka mid ah bulshada Yuhuudda ee laga tirada badan

Dowlada Iran ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay xubin ka mid ah bulshada Yuhuudda ee laga tirada badan yahay ee dalkaas, kaasi oo lagu helay dambi dil ah, sida uu sheegay urur aan dowli aheyn, xilli ay sare u sii kacayso xiisada kala dhaxaysa Israa’iil.

Arvin Ghahremani ayaa lagu daldalay xabsi ku yaalla magaalada galbeed ee Kermanshah kadib markii lagu helay dambi ah in uu dil gaystay intii uu socday gacan ka hadal, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Norway.

IHR waxa ay sheegtay in Ghahremani lagu eedeeyay in uu nin dilay intii uu socday gacan ka hadal ka dhacay Kermanshah laba sano ka hor. Balse waxa ay sheegtay in sida qoyskiisu ay sheegeen in lagu weeraray mindi, uuna isku difaacay hubkii uu watay.

Sida ay sheegtay IHR, Iran waxaa ku soo badanaya dilalka, iyadoo ugu yaraan 654 qof la daldalay sanadkan oo ay ku jiraan 166 bishii October oo kaliya.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *