Wasiirka Qorshaynta Puntland Daauud Bisinle ayaa maanta sheegay in 80% in ka badan nolosha dadka reer Puntland ay ku tiirsan yihiin dibada.
Wasiirk Daauud Bisinle oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan u adkeysiga isbadalka Cimilada oo Garoowe lagu qabtay ayaa sheegay in looga baahan yahay Reer Puntland in ay ka tabaabushaystaan wixii laga soo dhoofsan jiray dibada.
Wuxuu sheegay in isbadalka cimilada iyo sidoo kale dagaalada dunida ka socday ay saamayn ku yeesheen isku tiirsanaantii jirtay taasina ay halis ku tahay Soomaaliya gaar ahaan Puntland oo waxa ugu badan ka soo dhoofsada dibada.
Wasiir Daauud ayaa sidoo kale tilmaamay in tabacii gudaha sida beeraha iyo xoolahana ay saamayn ku yeesheen isbadalada Cimilada oo marna abaar sababa marna daadad waxaana uu xusay in loo baahan yahay isku tashi bulsho si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.
GAROWE POST