Ilaa 19 xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa ka horyimid heshiiskii dhexmaray qaar kamid ah xisbiyada Puntland ee dhigayay in xisbiga Kaah uu qaato gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka degmada Garoowe.
Heshiis ku saabsan dhismaha golaha deegaanka degmada Garoowe oo dhexmaray xisbiyada kala ah ah Kaah, RUNCAD, Mideeye iyo Shaqaalaha ayaa lagu heshiiyay in Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) oo ka tirsan xisbiga Kaah uu noqdo duqa degmada Garoowe halka ku xigeenkana uu noqdo Maxamed Cali Maxamed (Xamari) oo isna ka tirsan xisbiga Kaah.
Waxaase heshiiskaasi si adag uga horyimid ilaa 19 xubnood oo kamid ah golaha deegaanka Garoowe kuwaasi oo ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan islamarkaana aan waafaqsanayn xeerka dhismaha goleyaasha deegaanka Puntland waxaana ay xubnahani ku hanjabeen in ay fadhi gaar ah yeelanayaan oo ay dooran doonaan gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen cusub hadii aan laga noqon heshiiska xisbiyada.
GAROWE POST