Raysal wasaaraha kumeel-gaarka ah ee Lubnaan, Najib Mikati ayaa ka codsaday wasiirka arrimaha dibada Lubnaan in uu gudbiyo cabasho ku saabsan afduubka muwaadin Lubnaani ah oo ay ciidamada Israa’iil ku qafaasheen deegaanka Batroun.
Warbaahinta Israa’iil ayaa dhinaca kale sheegay shaqsi laga afduubay waqooyiga Lubnaan gaar ahaan deegaanka Batrou in uu yahay sarkaal iyo tababare ciidanka badda ururka Xisbullah.
Hawlgalkan ayaa ku soo aaday xili la sheegay sirdoonka Israa’iil in ay ka walaacsanyihiin surtagalnimada inay iskudayi karaan Xisbullah weeraro dhinaca badda ah oo ay ka fulin karaan gudaha Israa’iil.
GAROWE POST