Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiiru dawlihii wasaarada Qorsheynta xukuumada Soomaaliya C/rashiid Jire Qalinle uu iska casilay xilkaasi.
Qoraal uu soo saaray waxa uu ku cadeeyay in is casilaadiisa uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Sababaha iscasilaadiisa ayuu ku sheegay in ay ka dhalatay dagaalka dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ay ku hayso Jubaland oo uu ka soo jeedo iyo sidoo kale Puntland iyo SSC Khaatumo.
Wuxuu sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay Hal-kudhiga dowlada Xasan Shiikh ee Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la’ ah isagoo ku eedeeyay in ay xasilooni-daro galisay dalka.
Hoos ka eeg iscasilaada Wasiiru dawlaha
GAROWE POST