Puntland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay aga-gaarka degaanka Qorilugud

Xukuumadda Puntland ayaa markii u horreeyay ka hadashay colaadda ka taagan degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda dowladda Puntland Shaakir Maxamed Guuleed oo ka soo jeeda degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa si adag uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay nawaaxiga degaanka Qorilugud.

Wasiir Shaakir ayaa sidoo kale u jawaabay guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xalay ciidamada SSC ku eedeeyay dagaalkii Qorilugud islamarkaana sheegay in ay iska difaacayaan Khaatumo

“Shalay waxay ahayd dhulku ma guuro ee dadka guura ee guura. Waa ilaahay mahadii in maanta xirsi gaab leeyahay waan is difaacaynaa wiilkii  qooqa iyo kibirka looga taag wayey 2011 kii dagaalki kalshaale.”

“Nabadina waxay imaan marka aan sida Koran dhufaana  xabsiga laascanood  lagugu seeteeyo sida adeerka ( faysal bootaan)” ayuu yiri Wasiir Shaakir Maxamed Guuleed.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *