Hay’adda PSI oo lix gaari oo gargaarka degdega ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybgalay munaasabad ay Wasaaradda Caafimaadku kula wareegtay 6 Gawaari gargaarka caafimaad ah (Ambulances) oo loogu talagalay degmooyinka Gobolka Nugaal, kuwaasi oo ay Wasaraadda ku wareejisay Hay’adda Population Services International (PSI), waana qeyb ka mid ah mashruuca Damal Caafimaad.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda PSI siday uga wada shaqeeyeen in gaadiidkan la helo, wuxuuna Wasaaradda Kula dardaarmay in masuuliyad la iska saaro illaalinta bedqabka gaadiidkan ay maanta la wareegeen iyo Guud ahaan hantida Dowladda oo dhan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, Masuuliyiinta Hay’adda PSI ee wareejisay Gawaaridan, Goleyaasha Dowladda Puntland, Hantidhowraha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cismaan Maxamuud Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan, Dhaqanka, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda Garoowe.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *