Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa gaaray deegaanka Buulo Xaaji oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta

Wasiirka wasaaradsa Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hon Cali Yuusuf Cali oo safar shaqo ku jooga Jubbaland ayaa maanta booqday Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta Shabaab, isaga oo la hadlay hey’adaha amniga, geesiyaasha xoogga dalka iyo bulshada deegaanka.

Booqashadan oo loogu kuurgalayay xaaladda guud ee deegaanka,  waxaa mudane Cali Xoosh ku wehliyey Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland sida Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha iyada oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *