Madaxweynaha Puntland oo salaada ciidda la tukaday bulshada magaalada Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Dadweynaha Caasimadda Kula tukaday Salaada Ciidul – Adxaa, Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Laamaha Amniga, Isimada dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *