Wasiirkoi Qaxootiga Afgaanistaan oo qarax lagu dilay

Wasiirkii qaxootiga Afgaanistaan, Khaliil Uur-Raxman Xaqaani ayaa lagu dilay qarax ka dhacay masaajid ku dhex yaalla xarunta wasaaradda qaxootiga ee ku taal Kabul, kaddib markii xilliga salaadda casar uu isku qarxiyay nin gudaha usoo galay masaajidka.

Sarkaal ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa yiri, “Nasiib-darro, qarax ayaa ka dhacay Wasaaradda Qaxootiga, Wasiir Khalil ur-Raxmaan Xaqaanina wuu shahiiday, isaga oo ay la jireen qaar ka tirsan saaxiibadiisa shaqada.”

Khalil Ur-Raxmaan Xaqaani oo ku jiray liiska dadka uu Maraykanku cuna qabateynta saaray ayaanan lagu arag banaanada isaga oo qori automatic ah haysta mooyee.

Waxa uu la dhashay Jalaludin Xaqaani oo ninkii aas-aasay kooxda Xaqaani oo loo tirayo gacan ka hadalka daran ee dhaca. Sidoo kale waxa adeer u ah Sirajuddin Xaqaani oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee hadda.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *