Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaas oo uu u joogay xaalad caafimaad, sida xubno ka tirsan ehelkiisa ay u xaqiijiyeen warbaahinta.
Maxamed Cali Yuusuf ayaa sidoo kale horey u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Puntland, isagoo door muhiim ah ka soo qaatay hannaanka siyaasadeed iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, waxaa si gaar ah loogu xasuustaa doorkiisii dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta Puntland.
Alle ha u naxariisto Maxamed Cali Yuusuf, samir iyo iimaanna ha ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
GAROWE POST