Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu joojiyay duulimaadkii garoonka diyaaradaha magaalada Raas Kambooni ee gobolka Jubada Hoose, waxaana digniin loogu diray shirkdaha diyaaradaha.
Jubaland ayaa sheegtay in amarkani si gaar ah ugu socdo shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, maadaama xaalad colaadeed ay ku jirto magaalada Raas Kambooni.
“Dowlad Goboleedka Jubaland waxay uga digaysaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya inay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee Raas Kambooni. Deegaankaas waxaa ka jira xaalad colaadeed oo halis ah, taasoo keeni karta khatar weyn oo dhinaca amniga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalkani ka soo baxday Wasaaradda Duulista Hawada waxaa ay fartay in dhamaan shirkadaha diyaaradaha inay u hogaansamaan digniintan, kana fogaadaan inay wax duulimaad ah ka sameeyaan aagaas, si loo ilaaliyo badqabka dadka iyo hantida Soomaaliyeed.
GAROWE POST