Dacwad oogayaasha Sweden ayaa sheegay in ay dacwad ku soo oogeen saddex qof oo la tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Daacish, kuwaas oo oo lagu eedeeyey in ay maleegeen falal argagixisanimo oo ay ku jiraan kuwa ka dhan ah danaha Israa’iil, ayna doonayeen in caruur aan qaan gaarin ay fuliyaan.
Saddexda qof iyo sidoo kale tuhmane afraad ayaa sidoo kale lagu soo oogay in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish, oo ay Sweden mamnuucday in ay yihiin urur argagixiso, iyo in ay maleegeen dambi loo adeegsado hub, sida ay warbixino kala duwan ku sheegeen hay’adda dacwad-oogista Sweden ee SPA iyo tan sirdoonka ee Sapo.
Afarta qof waxaa ka mid ahaa laba walaalo ah oo da’doodu kala tahay 23 iyo 25 jir, kuwaas oo qaatay diinta Islaamka wax yar ka hor intaan la xirin.
Midka weyn ayaa amar ka helay Daacishita Soomaaliya oo ah “in ay dilaan inta ugu badan ee ay awoodaan ee gaalo ah, iyadoo bartilmaameedyada ugu weyn ay yihiin bartilmaameedyada Yahuudda”, sida lagu sheegay dacwadda.
GAROWE POST