Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo ay yeesheen ku ansixiyey xubnaha cusub Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo natiijada codeynta ku dhowaaqay, guddiga ayaa kadib cod la qaaday waxaa ogolaaday 169 xildhibaan, lix xildhibaan ayaa diiday, mana jirin wax ka aamusay.
Xubnaha guddiga oo ka kooban 18-xubnood ayaa kulanka lagu dhaariyay.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in la dhameeyey dhammaan sharciyadii iyo guddiyadii ka shaqeyn lahaa doorasho toos ah ama qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.
Magacaabista guddigan iyo ansixinta hindise sharciyeedyada la xiriira doorashada tooska ah ayaa waxaa horey uga horyimid Jubaland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
GAROWE POST