Fadhigii Baarlamaanka Puntland ee Saaka oo looga hadlay qodoba kala duwan

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhigan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobo dhowr ah;

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Golaha la wadaagay ajandaha fadhiga maanta, waxa uuna ugu horayn u yeeray Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha si ay u soo jeediyaan buuxinta kursiga bannaan ee Golaha.

Intaa kadib, Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha, Mudane Maxamed Siciid Qoslaaye, ayaa soo jeediyay in Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud uu si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib markii uu buuxiyay dhammaan shuruudaha.

Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyay in la buuxiyo kursi bannaan oo ka mid ah xubnaha golaha. Dhaariinta iyo aqoonsiga Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud.

Sidoo kale, fadhiga ayaa lagu ansixiyey xasaanadda Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland, Mudane Faarax Aw Cismaan. Xasaanaddan ayaa si rasmi ah u aqoonsanaysa xilka Wasiiru Dowlaha, taasoo ka dhigan in Mudane Faarax uu si hufan uga hawlgali doono Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland, taasoo qayb ka ah dadaallada Dawladda ee horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka.

Dhinaca kale, Golaha Wakiillada ayaa xubnaha golaha u qeybiyey qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee sannadka 2025, taasoo maanta ay soo gudbiyeen Wasaaradda Maaliyadda, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland.

Intaa waxaa dheer, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa magacaabay labo guddi kuwaas oo kala ah; Guddiga soo ururinta xogta gobollada, kuwaas oo loo xil-saaray ururinta iyo falanqaynta xogta ku saabsan xaaladaha gobollada Puntland, taasoo gacan ka geysan doonta qorsheynta horumarineed ee deegaanada kala duwan.

Sidoo kale, Guddiga la xisaabtanka Golaha Xukummadda iyo xogta arrimaha garsoorka ayaa loo magacaabay si loo xoojiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka dowladda, iyagoo ka shaqeyn doona hubinta in maamulka Puntland uu u shaqeeyo si cadaalad ah oo hufan.

Golaha Wakiillada Dawladda  Puntland wuxuu sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta mashaariicda iyo siyaasadaha muhiimka ah ee dalka, isagoo ka shaqeynaya sidii loo abuuri lahaa horumar waara oo ka tarjumaya baahiyaha shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *