Puntland oo si adag ugua hortimid qorshaha dowladda Soomaaliya ku doonayso xirista Axmed Madoobe

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga hortimid qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in lagu soo xiro Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe si xilka looga tuuro maxkamad loo soo saaro.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Cabdinuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamada DFS ay geysay deegaannada Jubbaland iyo qorshaha la doonayo in lagu maxkamadeeyo Axmed Madoobe yihiin hab-dhaqan kaligiis talisnimo iyo ku-takrifal awoodeed.

”Ciidankii  lagu soo daadiyay deegaano ka tirsan Jubbaland iyo go’aankii dowladda ee  kuna aadanaa in la maxkamadeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muujinaya hab dhaqan kaligii talisnimo iyo ku takrifal awoodeed” ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka ayaa intaasi ku sii daray tallaabooyinkan ay qaadeyso dowladda Federaalka Soomaaliya  ay khatar weyn ku ah geeddi-socodka dowlad-dhisidda ee hadda socday waxa uuna xusay in ay ka dhalan karaan xiisado iyo colaado dhax mara qabaa’il Soomaaliyeed.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *