Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowlada Puntland Mudane Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa oo uu waheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Maxamed Gabax ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ee magaalada Boosaso ka daah furay shir ku saabsan dib u eegista xeerka Kalluumaysiga Puntland oo hada ay gacanta ku hayaan khuburro sharci-yaqaano ah.
Shirkaan oo furitaankiisa uu sidoo kale ka qaybgalay agaasimaha guud ee Wasaaradda Eng. Sharmaarke Yaasiin Beeldaaje iyo qaar kamid ah Agaasime Waaxeedada iyo Madax-qaybeedada Wasaaradda ayaa lagu casumay khuburro ku xeel dheer Arrimaha Kalluumaysiga, sharci-yaqaano ka socda garsoorka Puntland iyo xubno matelaya iskaashatada Kalluumaysiga.
Shirka ayaa mudada uu socdo waxaa si qoto dheer loogu lafa guri doonaa dib u eegista xeerka Kalluumaysiga iyo qodobada u baahan in wax laga bedelo ama wax lagu soo kordhiyo.
GAROWE POST