Doorashada Madaxweynaha Jubaland oo maanta dhacaysa

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka qabsoonto doorashada madaxweynaha cusub ee hoggaamin doona Jubbaland shanta sano ee soo socota.

Musharaxiinta u tartameysa xilkaan oo gaaraya ilaa afar musharax ayaa kala ah Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe, Faysal Maxamed Mataan, Abubakar Cabdi Xasan, Cabdi Xasan Xajiin.

Dadka Soomaaliyeed ee u dhuun daloolo arrimaha siyaasada ayaa aaminsan in doorashada maanta ka dhaceysa Kismaayo in markale dib loogu soo dooran doono Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland.

Doorashada madaxtinimda Jubbaland ee maanta Kismaayo ka dhaceysa waxaa diidan dowladda fedaraalka Soomaaliya oo sheegtay in aanay aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *