Hoggaamiye Firdhiye oo Kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Cayn

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dawladda ayaa kulan la qaatay Culimada iyo Ganacsatada magaalada Buuhoodle ee Caasimadda Gobolka Cayn.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ay ganacsatadu uga qayb qaadan lahayd, wacyigelinta bulshada, horumarinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha.

Dhanka kale waxaa kulanka warbixinno faahfaahsan kusoo bandhigay wasiirka Maaliyadda Mud. Cabdiqani Hiirad iyo Wasiirka Ganacsiga Mud. Daahir İngaydh oo sharraaxad ka bixiyey shuruucda iyo siyaasadaha maaliyadeed iyo ganacsi ee Maamulka.

Ugu danbayn Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey culimada doorkooda culus ee ay ka qaataan wacygelinta iyo kor u qaadista garaad-dhiska bulshada, sidoo kalana Ganacsatada ku ammaanay doorka  horumarineed ay ka qaataan kordhinta iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *