Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxa uu maanta kulan kula qaatey madaxweyne ku-xigeenka Turkiga Cevdet Yılmaz.
Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga hadlay xiriirka wanaagsan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo weliba amniga gobolka.
Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlayay iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, la-dagaallaanka argagixisada, horumarka xiriirka ganacsi iyo sidoo kale dadaalada wadajirka ah ee dhanka tamarta ah.
GAROWE POST