Duqeymo culus oo ay fuliyeen diyaarado dagaal, ayaa xalay ka dhacday deegaanka Haaway oo hoostaga degmada Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana duqeyntani khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray kooxda Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya, ayaa laga soo xigtay in duqeynta lala beegsaday bartilmaameed ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab, waxa ayna xuseen saraakiisha in duqeynta u dhacday sidii loo qorsheeyay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay 12-xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaasi oo isugu jiray saraakiil iyo dagaallamayaal, waxaa sidoo kale duqeynta ku dhaawacmay xubno kale oo kooxdaasi ka tirsanaa.
Xubnaha saraakiisha ah ee duqeynta lagu dilay ayaa wararku sheegayaan in uu kamid yahay guddoomiyihii deegaanka Haaway u qaabilsanaa Al Shabaab, waxaa sidoo kale kamid ah saraakiil Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca tababarada iyo arrimaha dibadda.
Deegaanka Haaway ee gobolka Shabeelaha Hoose , ayaa sidan oo kale waxaa horey uga dhacay duqeymo culus oo khasaaro badan kasoo gaaray xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab , oo ay ku jireen saraakiil xilal sar sare kooxda u hayay.
GAROWE POST