Gacan-ku dhiiglihii dilay marxuum Khaalid Cali Khaalid oo saaka la qisaasay

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Maxamed Abshir Muuse, oo horay loogu helay inuu si bareer ah u dilay guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika, Alle ha u naxariistee Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Maxamed Abshir lagu helay dhammaan eedaymaha loo soo jeediyay ee la xiriiray dilka guddoomiye ku-xigeenka. Baaritaanno ay sameeyeen hay’adaha baarista iyo caddeymo lagu soo bandhigay maxkamadda ayaa si cad u muujiyay inuu yahay dambiilaha dilka geystay.

“Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse” ayaa lagu sheegay warbixin Booliska Puntland ka soo saaray fulinta xukunkaasi.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *