Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland oo qabatay Kulan ku saabsan Wada Tashiga Xeerka Kalluumaysiga

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay wasiiro hore, sharci-yaqaano, xeel-dheerayaal iyo saamilayda kalluumaysatada Puntland.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa dib u eegista xeerka kalluumaysiga dowladda Puntland oo hadda ay gacanta ku hayaan khuburro sharci-yaqaano ah, waxayna wasaaraddu dadaal ku bixinaysaa sidii xeerka kalluumaysigu u noqon lahaa mid la jaanqaadi kara casriga cusub iyo baahiyaha quseeya dhanka kheyraadka badda.

Masuuliyiinta kulanka kasoo qaybgalay ayaa kala ahaa, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa, Wasiiru-dowlaha kalluumaysiga, Saciid Maxamed Raage, Wasiir kuxigeenka kalluumaysiga, Maxamuud Maxamed Gabax iyo masuuliyiin kale.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *