Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha oo casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa
Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Dowladda ayaa sidoo kale u mahadcelisay dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.
GAROWE POST