Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir ku saabsan Tamarta uga qayb galay dalka Hindiya

Magaalada New Delhi ee Caasimadda dalka Hindiya ayaa waxa ka furmay shirkii 7aad ee Golaha Wadamada ku bahoobay Isbahaysiga Solarka Aduunka (Seventh Session of the International Solar Alliance – ISA Assembly) Shirweynahan ayaa waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgalay wafdi uu hogaaminayo Wasiir Dowladaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Faarax iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga mahadceliyay dadaalkii iyo matalaadii ay muddo labo sanno ah ku hogaamisay kursiga Madaxweyne ku xigeenka Qaaradda Afrika iyo doorkeedi ay ka qaadatay horumarinta barnaamijka Tamarta laga dhaliyo cadceedda, Inta uu socday Shirka waxaa bilad lagu gudoonsiiyey Wasiir Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadja Biyaha madaama Dowladda Soomaaliya ku guuleeysatay, dhisidda xarunta tababarka STARC-SOMALIA.

Wasiir Dowlaha ayaa inta uu shirka socday jeediyay Khudbad muhiim ah waxa uuna warbixin ka siiyay Hanaanka Tamarta ee Soomaaliya ay hadda Haysato iyo sida ay uga Fa’iideysato, Wasiir Dowlaha ayaa ka warbixiyay Caqabadaha haysta , waxa uu ugu dambeyn ka waramay Qorshaha isbadalka Qaran ee dib udhiska kaabayaasha korontada iyo soolareynta magaalooyinka iyo Tuulooyinka.

Ugu dambeyntii wasiir Dowlaha ayaa uga mahadceliyey Isbahaysiga Wadama ku bohoobay (International Solar Alliance) doorkii ay siiyeen Soomaaliya si ay u soo bandhigto awoodeeda hogaamineed iyo sidoo kale xiriirka dhow iyo wada shaqeynta joogtada ah.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *