Dadaallada Turkiga uu dhex dhexaadinayay , waxay u muuqdaan in lagu gaaray natiijo , meesha ka saaray khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii madaxweynaha Turkiga uu ku guuleystay in hoggaamiyayaasha labada dal ay gaaraan heshiis.
Heshiiska wuxuu dhigaya in la billaabo
wadahadallo farsamo si loo helo marin badeed waara oo ammaan ah oo ay Itoobiya ku gaarayso xeebaha Soomaaliya.
Wadahadalladu waxay billaaban doonaan ugu dambayn Febraayo 2025 , iyadoo oo uu fududeynayo Turkiga.
4 bilood gudahood ayaa la soo gabagabeyn doonaa wada-hadallada si loo gaaro heshiis rasmi ah oo u oggolaanaya Itoobiya inay gaarto xeebaha Soomaaliya.
Habka heshiiska u suragelinaya Itoobiya inay gaarto xeebaha Soomaaliya si ay u hesho deked ay adeegsato, wuxuu u dhacaya; habab ganacsi oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah.
GAROWE POST