Warsaxafadeed ka soo baxay hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faahfaahiyay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka NISA iyo kuwa xoogga dalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Yaaqle, waxaana lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab.
Warsaxafadeedka NISA ayaa lagu faray dadka shacabka ah iney ka fogaadaan goobaha ay joogaan kooxda Al-shabaab ee bartilmaameedka u ah ciidanka dowladda Soomaaliya.
Ciidamada NISA iyo kuwa xoogga dalka ayaa maalmahii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ka waday howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee wali ku sugan qeybo ka mid gobolkaas.
GAROWE POST