Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Senetar Gaagaab oo ku geeriyooday Turkiga

Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaas oo uu u joogay xaalad caafimaad, sida xubno ka tirsan ehelkiisa ay u xaqiijiyeen warbaahinta.

Maxamed Cali Yuusuf ayaa sidoo kale horey u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Puntland, isagoo door muhiim ah ka soo qaatay hannaanka siyaasadeed iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, waxaa si gaar ah loogu xasuustaa doorkiisii dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta Puntland.

Alle ha u naxariisto Maxamed Cali Yuusuf, samir iyo iimaanna ha ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *