Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa maanta socdaal qarsoodi ah ku tegey degmada Carmo ee gobolka Bari.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiil sirdoon ah oo ka socda AFRICOM ay maanta socdaal qarsoodi ah ku yimaadeen degmada Carmo halkaasi oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Ilo wareedyo amni ayaa tibaaxaya in madaxweyne Deni iyo saraakiisha AFRICOM ay ka wada hadleen arimaha ku saabsan dagaalka kooxaha argagixisada ah oo ay dowladu abaabulayso.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in madaxweyne Deni uu saraakiisha warbixin ka siiyay sida dowladu ugu diyaar garowday dagaalkaasi sidoo kalena ka dalbaday in laga caawiyo dhinaca duqaymaha cirka.
GAROWE POST