Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si buuxda u taageeray is afgaradkii badda ee Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxweynaha la doortay Cirro ayaa caddeeyay in uu si buuxda u taageersanyahay isfahankii Addis Ababa kaasi oo dhigaya in Itoobiya ay hesho marin badeed Somaliland-na aqoonsi.
Warbixin uu qoray wargeyska caanka ah ee Africa Confidential oo xiganaya ilo wareedyo diblomaasiyeed ayaa lagu sheegay in madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro uu si buuxda u taageeray is afgaradkii Addis Ababa.
Warbixinta Africa Confidential ayaa intaasi ku dartay in madaxweyne Cirro uu sidoo kale ka shaqaynayo in isfahamkaasi loo rogo heshiis siyaasadeed si Itoobiya u hesho marin badeed halka Somaliland ku badalanayso aqoonsi.
GAROWE POST