Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada maamulka SSC-khaatumo ayaa lagu beeniyey in uu jiro wadahadal khadka Telefanka ah oo dhexmaray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo hoggaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye.
“Waxaa qaar kamid ah saxaafadda deegaanku warisay in Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ay khadka taleefanka ku wada xidhiidheen Horjoogaha cusub ee Soomaliland oo ay ka wada hadleen arrinta Ceerigaabo. Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si buuxda u beeninayaa jiritaanka warkaas aan salka iyo raadka toonna lahayn oo ay faafiyeen xubno cadawga u shaqaynaya.”
“Maamulku wuxuu laamaha Sharciga la wadaagay baadhitaanka iyo caddaalad horkeennidda ku aaddan cidkasta oo ku lug leh faafinta wararka lidka iyo dacaayadda ku ah jiritaanka Maamulka Ssc-Khaatumo” ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka xalay ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada maamulka SSC-khaatumo.
“Ma jiro, mana jiri doono xidhiidh toos ah iyo mid dadban oo dhex mari kara SSC-khaatumo iyo Maamulka dhiigyacabka ah ee Soomaliland oo ah maamul daalim ah oo dadka reer SSC-Khaatumo ka galay danbiyo dagaal. Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.
GAROWE POST