Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa kulan kula yeeshay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, si ay uga wada hadlaan xiisadaha ka taagan Jubbaland.
Safiir Nithavrianakis ayaa ku baaqay wadahadal in lagu dhameeyo xiisadaha ka taagan dowlad goboleedka Jubbaland. Waxa uu sheegay in UK ay ka go’an tahay taageeridda horumarka Soomaaliya.
Dhinaca kale, war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya laguma xusin in xiisadaha Jubbaland ay si gaar ah uga mid ahaayeen qodobadii ay ka wada hadleen Xamse iyo Safiirka UK.
Xafiiska raysal wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid diiradda lagu saarayay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga, la-dagaallanka argagixisada, siyaasadda, iyo hirgelinta doorashooyinka dadweynaha.
GAROWE POST