Kulan uu baarlamaanka Itoobiya yeeshay ayaa looga dooday hoos u dhaca dhaqaalaha dalkaasi waxaana mudaneyaasha baarlamaanku ay xukuumadda ku weeydiiyeen su’aalo la xiriiray arrimaha dhaqaalaha, sida nolosha sii adkaanaysa, ganacsiga sharci darrada ah, sare u kaca ku yimid badeecada gudaha dalka ka timaada, sicir bararka iyo arrimo kale.
Wasiirka ganacsiga ee Itoobiya Kassahun Gofe oo su’aalahaas ka jawaabayey wuxuu sheegay in sababaha keenay hoos u dhaca dakhliga ay ugu waaweyn yihiin 3 arrimood oo kala ah sare u qaadidda dakhliga beeraleyda, xoojinta dhaqaalaha ka soo xarooda lacagaha qalaad, iyo sare u qaadidda canshuuraha ay gobolladu qaadaan.
Waxaa jira seddex arrimood oo muhiim ah oo qaadka ku taxalluqa, dawladda federaalka iyo dawlad goboleedkana ay isku af garteen. Midda ugu horreysa waa in qaadku uu muhiim u yahay nolosha beeraleyda, waxaana jirta baahi loo qabo in sare loo qaado dakhliga ay ka helaan. Tan labaad, oo ah walaaca ay qabto dawladda federaalka ayaa ah in qaadku yahay sheyga labaad ee Itoobiya ay dibadda u dhoofiso marka laga yimaado bunka. Taa darteed xukuumadda federaalka aad ayey u danaynaysaa in sare loo qaado dakhliga laga helo dibad u dhoofintiisa” ayuu yiri wasiirka ganacsiga ee Itoobiya
GAROWE POST