Golaha Wakiilada Puntland oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2025

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland ayaa Maanta ansixiyay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2025, taasoo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 (Afar boqol iyo lixdan iyo lix milyan, sideed boqol iyo afartan kun, todoba boqol iyo lixdan iyo laba dollar).

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2025. Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey isla markaana la tashi la yeeshay Hay’adaha kala duwan Dawladda iyo shacabka sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 47 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 2, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2025, taasoo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 (Afar boqol iyo lixdan iyo lix milyan, sideed boqol iyo afartan kun, todoba boqol iyo lixdan iyo laba dollar) Miisaaniyadu waxay korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024.

Kharashka ayaa u kala qoondaysan Hay’adaha Dawladda ee kala ah; Hay’adaha Adeegga maamulka, amniga, cadaaladda, dhaqaalaha iyo Hay’adaha adeegga Bulshada.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *