Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday, islamarkaana xiray ugu yaraan saddex qof, iyadoo boqolaal qof ay ka mudaaharaadayeen mowjado dilal ka dhan ah haweenka ah, sida ay sheegeen dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Dhowr boqol oo qof – oo u badan dumar – ayaa socod ku maray caasimadda Nairobi, halkaas oo ay ku qeylinayeen kuna dhawaaqayeen, “Jooji dilka haweenka! Waxa si is-daba joog ah u kala eryayey ciidamo boolis ah oo gawaari ka soo ridayey sunta dadka ka ilmaysiisa.
Dibad-baxyada ayaa sidoo kale ka dhacay magaalooyinka Mombasa iyo Lodwar, sida ay muujinayaan muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada.
Dibad-baxayaasha Nairobi ayaa ahaa kuwa nabad-galyo ah, mana cadda sababta ay booliisku u soo farageliyeen. Afhayeenka ciidanka booliska qaranka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi falcelin oo loo diray.
GAROWE POST