Ciidamada daraawiishta Jubaland ayaa guul ka gaarey dagaal dhawr jeer oo maana ah ka dhacay Raaskaambooni oo ka tirsan Jubaland, halkaas oo ciidammo laga qaadey Muqdisho oo ka tirsan Dowaldda Federaalka ah ay Jubaland kala wareegeen todobaadyadii la soo dhaafey.
Dagaalka oo bilowdey goor hore oo subaxnimada Arabaca ad ah ayaa dib u qarxay isla galabnimadii maanta, waxaana u suurta gashey ciidanka Jubaland in ay jabsadaan ciidamadii ka soo horjeedey. Ciidankii Muqdisho laga soo daabuley ayaa in badan oo kamid ah xadka Kenya galeen, halka qaar kale ay isu dhiibeen ciidamada Jubaland.
Kenya ayaa soo bandhigtey Ciidankii Muqdisho laga daabuley oo gacmaha taagaya oo daadiyey hubkii isuna dhiibey Kenya.
Arrintan ayaa weji gabax ku ah siyaasadda Madaxeyne Xasan Sheekh oo isku dayey markii u horeysey Dowladnimada dib loo unkay ee Soomaaliyeed in uu xoog wax ku doono dadkana dib ugu ceshey taariikhdii madoobeyd.
Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in Ciidamada Jubaland ay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan garoonka diyaaradaha ee Kaambooni.
Ciidanka Dowaldda federaalka ah ayaa horey diyaarado loogu keenay waxaana adag in ay helaan taakulo dhankasta ah.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa horey u sheegay in uu 15 maalmood u qabtey ciidanka diyaaradaha lagu keenay Raaskaanbooni, halka Madaxeyne Xasan Sheekh oo masjid ka khudbeeyey jimacadii la soo dhaafey sheegay in Axmed Madoobe la soo afjarayo.
GAROWE POST