26 xubnood oo kamid ah labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Jubaland.
Warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay Jubaland ku taageersan yihiin in ay doorashadeeda qabsato si waafaqsan dastuurka KMG ah ee dalka iyo kan dowlad goboleedka Jubaland.
“Waxaan ka digaynaa tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah xasilloonida iyo nabadda deegaannada Dawladaha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo ay gacanta kula jirto Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayay ku sheegeen warsaxaafadeedka.
“Waxaan cadaynaynaa in aanan qayb ka ahayn habka jajuubka ah ee la rabo in si sharcidarro ah lagu marsado golayaasha sharci dejinta federaalka sharciyada guddiga doorashooyinka, axsaabta iyo doorashooyinka, kuwaas oo dhamman baalmarsan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen August 1, 2012” ayay ku dareen Warkooda.
Hoos ka akhri warkooda
GAROWE POST